Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii Khamiista ee ay Jimcaha soo galeysay lagu qabtay, xaflad abaalmarinno lacageed lagu guddoon siiyay dhalinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdho oo kaalimaha hore kasoo galay, tartanka sannad-laha ah ee Qur’aanka Kariimka ah.
Tartankan oo ay saddexdi sano ee lasoo dhaafay qabaneysay Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa sannadkaan marki ugu horreysay xafladda xiritaanka lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Kaalinta koowaad ee tartankan ayaa waxaa ku guuleystay, Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo helay abaalmarin lacageed oo gaareysa $20,000.