March 16, 2025

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

58 / 100

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 18–aad ee wareegga Labaad kulankiisa 2-aad ku tartamay Degmooyinka Dharkeynley iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Tartameyaasha labada degmoo ee Dharkeynley iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.