Senatornimo Cusmaan Dubbe oo dib ugu laabtay Hargeysa.

Wasiir iyo Xildhibaan hore, Cusmaan Dube, oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland, ayaa maanta lagu soo dhoweeyay degida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Bishii hore, Cusmaan Dube wuxuu iska casilay xilkii uu ka hayay Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu shaaciyay inuu ka tanaasulay aragtidii midnimada Soomaaliya iyo taageeradii uu u hayay.

Isaga ayaa sidoo kale muujiyay in uu hadda taageersan yahay gooni u soosadka Somaliland, taasoo qayb ka noqotay sababta uu xilka uga tanaasulay.

Tagistiisa Hargeysa ayaa waxaa ka qayb galay madaxda deegaanka iyo taageerayaal, iyagoo muujinaya soo dhoweyn iyo taageero.

 

Talaabadan ayaa horseedi kara dood siyaasadeed oo ku saabsan doorka siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ka howlgala hay’adaha federaalka Soomaaliya.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.