Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa shaca ka qadday

, Daahir Shire Maxamed, ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay halka ay marayaan howlaha shidaal qodista oo la sheegay in ay bilaaban doonaan sannadkan aan ku guda jirno ee 2026.
Wasiir Daahir Shire oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay haatan ay rumowday riyadii shidaal qodista Soomaaliya ee ku taami jirtay muddo badan.
“Riya ma ahan oo haddii ay riyo ahaan jirtay waxaan dhihi karnaa waa riyo rumowday, sidaad ka warqabto 30 Diseember ee sannadkii tagay 2025, waxaa magaalada Istanbuul lagaga dhawaaqay natiijadii baarista shidaalka xeebaha Soomaaliya, waxayna labada madaxwayne shaaciyeen inay qodista bilaabanayso sannadkan horraantiisa 2026” – ayuu yirri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee DFS Daahir Shire Maxamed.
Wasiirka ayaa tilmaamay wakhtiga rasmiga ah ee Soomaaliya soo gaarayo Markabka qodaya shidaalka, isla markaana sheegay horraanta bisha soo socota ee Febraayo inuu kusoo xirto markab casri ah dekedda Muqdisho, kaasi oo bilaabaya howlaha shidaal qodista.
“Sida uu sheegay madaxwayne Erdogan intii lagu guda jiray shaacinta natiijada, Turkiga waxay soo iibsadeen maraakiib jiilka 7-aad ah maraakibtaas mid ka mid ah waxaa la yiraahdaa ‘Cagri Bey’ wuxuu u diyaarsan yahay inuu u soo ambabaxo Soomaaliya” – ayuu yirri Wasiirka.
Wasiir Daahir wuxuu intaasi hadalkiisa ku daray inay bilaabnayso qodista shidaalka sida ugu dhaqsiyaha badan marka uu markaba soo gaaro gudaha dalka.
Dhowaan Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa si rasmi ah shaaca ugu qaaday in dowladda Turkiga ay bisha Febraayo sanadka 2026, ay Soomaaliya u soo diri doonto Markab sameeya qodista shidaalka.
Markabkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay fulinta mashruucii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas qodis ah oo ay dowladda Turkiga ka sameyso meel ka baxsan dalkeed, isla markaana mashruucan ay ka fulin doonto gudaha Soomaaliya. Halkaan ka
