Ra’iisul wasaare Netanyahu oo ficil uu horey u sameyay isna hadda lagu sameeyay

Dawladaha UK, Australia, Canada iyo Faransiiska ayaa aqoonsaday dowlad ay leedahay Falastiin, iyadoo waddamo kale la filayay inay sidan oo kale sameeyaan.
Raiisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer oo ku dhawaaqay aqoonsigan xilligaas ayaa yiri:
“Marka la eego hawlagallad aragagaxa leh ee sii badanaya Bariga Dhexe, tani waa tallaabo aanu qaadaynno si aan u sii ilaalinno rajada nabadda iyo xalka laba-dowladood. Taasoo la micno ah Israa’iil oo nabad ah oo ammaan ah iyo dawlad Falastiin ah oo madax-bannaan.”
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa markaas si adag uga horyimid isla markaana ka digay oo ku tilmaamay in go’aannadaasi ay yihiin abaalmarin loo fidinayo “argagixisada bahallada ah ee Xamaas.” Dawladda Mareykanka ayaa sidoo kale si adag uga hor timid aqoonsigaas.
Haddaba dalal badan ayaa hadda ka horyimid markii uu ku dhawaaqay inuu aqoonsaday Somaliland, waa tabtii uu isagu sameyay bilooyin ka hor markii Falastiin ay aqoonsadeen dalal badan.
Faahfaahin dheeraad ah hoos ka aqriso
Muxuu ka dhigan yahay aqoonsiga Dawladda Falastiin?
