Duqa Muqdisho oo Ciidamada Qaranka kula Afuray Furimaha Dagaalka

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyo saraakiil ka tirsan CXDS ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaannada (Macawisleyda) ee ku sugan xerada Qorilow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Booqashada Guddoomiye Dr. Muungaab ee xerada Qorilow ayaa ku salaysnayd u kuur-gelidda xaaladda ay ku hawlgalaan ciidamada iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa, taasi oo qayb ka ah qorshaha Duqa Muqdisho ee taageeridda iyo ka-warqabka ciidamada qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaaijta, maadaama ay laf-dhabar u yihiin difaaca amniga caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku ammaanay ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca deegaannada (Macawisleyda) sida geesinnimada leh oo ay naftooda ugu hureen badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.






