Dagaal siyaasadeed oo cirka isku shareeray: Mucaaradka Hawiye vs Xasan Sheekh

Waxaa xalay kulan xasaasi ah hoygiisa Muqdisho ku qabtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ay ka qeyb galeen inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo jeeda beelaha Hawiye ee saameynta ku leh caasimadda.
Kulanka ayaa waxaa furay Shariif Sheekh Axmed, isaga oo sheegay in ajendaha ugu weyn uu yahay sidii loo mideyn lahaa mucaaradka Hawiye, ka tashiga xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan qorshaha la xiriira 15-ka May, iyo sidii looga hortagi lahaa waxa ay ku tilmaameen qorshaha Madaxweynaha hadda xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Inta badan xubnihii kulanka ka qeyb galay ayaa hadallo jeediyay, iyaga oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in mowqif mideysan laga qaato hoggaanka dalka. Waxay sidoo kale tilmaameen in Madaxweynaha lagu eedeeyay inuu abuuray kala qeybsanaan iyo cadaadis siyaasadeed oo saameeyay bulshada, gaar ahaan beelaha Hawiye.
Mucaaradka ayaa isku raacay in la muujiyo feejignaan dheeri ah, maadaama ay sheegeen in wax kasta ay dhici karaan kadib 15-ka May, xilli la filayo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah.
Ugu dambeyn, kulanka waxaa laga soo saaray afar qodob oo muhiim ah:
Dhismidda guddi afar xubnood ka kooban oo diyaarin doona shir ballaaran oo ay isugu imaanayaan beelaha Hawiye, kaas oo looga arrinsan doono xaaladda dalka iyo sida looga hortagi karo waxa ay ku tilmaameen “xukun boob”.
Wacyigelin heer beeleed ah, iyadoo lagu heshiiyay in siyaasi kasta iyo oday kasta uu la kulmo beelihiisa hoose si loogu qanciyo muhiimadda ay leedahay in isbeddel la sameeyo.
Midnimo iyo iskaashi ciidan, iyadoo mucaaradka Hawiye ay isku dhaarsadeen in ay mideyn doonaan awoodooda iyo taageeradooda, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin adag marka la gaaro 15-ka May.
Abuuridda guddi dhaqaale, oo qaabilsan uruurinta dhaqaalaha lagu taageerayo shirarka iyo howlaha siyaasadeed ee la qorsheynayo.
Kulankan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka, iyadoo la filayo in toddobaadyada soo socda ay xaaladdu sii yeelato wajiyo cusub.
