Mareykanka iyo Somaliland: Xogta Dhismaha Saldhigga oo Isa Soo Taraysa”

Dowladda Maraykanka ayaa si cad isaga fogeysay warar sheegayay inay qorsheyneyso inay saldhig milatari ka dhisato Somaliland, kaddib warbixin ay daabacday Fox News oo arrintaasi iftiimisay.
Warbixinta Fox News ayaa tilmaamtay in Somaliland ay Maraykanka u bandhigtay dekedda iyo garoonka Berbera, kuwaas oo leh muhiimad istaraatiiji ah oo ku taal marin-biyoodka Bab el-Mandeb.
Si kastaba, afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa si toos ah uga jawaabay warbixintaas, isagoo sheegay in Maraykanku uusan qorsheyneynin dhismaha saldhigyo cusub.
“Maraykanku ma raadinayo inuu dhiso saldhigyo cusub, maadaama tallaabooyinka noocaas ahi aysan waafaqsanayn istaraatiijiyadda amniga ee ‘America First’ ee uu dejiyay Madaxweynaha iyo Xoghayaha Difaaca,” ayuu yiri afhayeenka AFRICOM, sida ay baahisay Fox News Digital.
Dhanka kale, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale cadeeyay mowqifka rasmiga ah ee Washington ee ku aaddan Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Maraykanku uu “sii wado aqoonsiga madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” taasoo muujinaysa in aanu wax isbedel ah ku imaan siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan midnimada Soomaaliya.
Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan xiisaha istaraatiijiyadeed ee Maraykanka uu u qabo gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan marin-biyoodka Bab el-Mandeb oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo amniga badda.
Inkasta oo Somaliland ay marar badan muujisay inay diyaar u tahay inay martigeliso saldhigyo milatari oo shisheeye si ay u hesho aqoonsi caalami ah, haddana Washington ayaa si cad u muujisay in aysan hadda jirin qorshe rasmi ah oo ku saabsan arrintaas.
