Warsaxaafadeed Rasmi Ah: Somaliland Oo Si Kulul Uga Falcelisay Talaabooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya”

Warsaxaafadeed Rasmi Ah: Somaliland Oo Si Kulul Uga Falcelisay Talaabooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay uga jawaabeyso hadal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Somalia oo ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay la leedahay Israa’iil iyo Safiirkii ay Israa’iil u soo magacaabatay Somaliland.

 

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in eedeymaha dowladda Soomaaliya ay yihiin kuwo aan sal iyo raad sharci toona lahayn, sidoo kalena ay yihiin kuwo taariikh ahaan khaldan isla markaana aan ku dhisnayn xaqiiqooyin jira.

 

Somaliland ayaa caddeysay inay tahay dal madax-bannaan oo helay xornimadiisa 26-kii June 1960, isla markaana si rasmi ah loo aqoonsaday xilligaas. Waxay intaas ku dartay in madax-bannaanideedu aysan ka imaan ama ku xirnayn wax awood ah oo ka jirta Muqdisho.

 

Sidoo kale, Somaliland waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan lahayn awood sharci ah oo ay ku farageliso ama ku xaddido xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka kale. Waxay tilmaantay in xiriirradaas ay ka mid yihiin xuquuqdeeda qaranimo, isla markaana aysan u baahnayn oggolaansho dibadeed.

 

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu dhaliilay adeegsiga joogtada ah ee Soomaaliya ee erayga “midnimada dhuleed,” iyadoo lagu tilmaamay mid marin habaabin ah. Somaliland waxay xustay in madaxbannaanideedu ka horreyso midowgii 1960, isla markaana ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991, tan iyo markaasna ay si buuxda u maamuleysay dhulkeeda.

 

Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay in beesha caalamku si fiican u fahamsan tahay xaaladdeeda, iyadoo tilmaantay inay dhistay hay’ado dimuqraadi ah, qabatay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay ilaalisay nabad gudaha ah.

 

Waxay sidoo kale xustay doorka ay ku leedahay la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, iyo ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

 

Ugu dambeyn, Somaliland waxay caddeysay inay ka go’an tahay wada noolaansho nabadeed, xasillooni goboleed iyo iskaashi caalami ah, balse ay madax-bannaanideedu tahay mid aan gorgortan geli karin, isla markaana xiriirradeeda dibadeed ay go’aamiso rabitaankeeda qaran.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights