Ciidamo badan oo lagu daadiyay Magaalada Baydhabo kadib bannaanbaxyo ka dhacay

Ciidamo badan oo lagu daadiyay Magaalada Baydhabo kadib bannaanbaxyo ka dhacay

Ciidamo uu hoggaaminayo Taliyaha Ururka 2-aad ee Ciidanka Harmacad, Laba Xidigle Sahnuuni Cabduqaadir Axmed, ayaa maanta kormeer amni ka sameeyay Suuqa ugu weyn magaalada Baydhabo, kadib bannaanbaxyo saacado ka hor ka dhacay magaalada.

 

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga guud ee suuqa iyo dib u furista goobaha ganacsiga ee xirmay intii ay socdeen dibadbaxyada. Ciidamada ayaa si toos ah ula kulmay ganacsatada, iyagoo ka dhageystay cabashooyin iyo warbixino la xiriira xaaladda ganacsi iyo amni ee deegaanka.

 

Taliyaha Ururka 2-aad ee Harmacad, Laba Xidigle Sahnuuni Cabduqaadir Axmed, ayaa ganacsatada ku amray inay si buuxda u qaataan lacagta Shilinka Soomaaliga, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta isticmaalka lacagta qaranka.

 

Sidoo kale, taliyaha ayaa ganacsatada faray inay shacabka ula dhaqmaan si naxariis iyo cadaalad ku jirto, isla markaana aysan ka faa’iideysan xaaladaha cakiran ee mararka qaar ka jira magaalada.

 

Ganacsatada qaar ayaa soo dhaweeyay kormeerka iyo wacyigelinta ciidamada, inkastoo ay jiraan kuwo walaac ka muujiyay hoos u dhaca kalsoonida Shilinka Soomaaliga iyo saameynta uu ku yeeshay ganacsigooda.

 

Kormeerkan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay ka dhaceen dibadbaxyo ay dhigayaan qaar kamid ah shacabka, kuwaas oo ka soo horjeeda diidmada ganacsatada qaarkood ay diideen qaadashada Shilinka Soomaaliga.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights