Isbeddel mise xannibaad? Mucaaradka oo cadaadis la kulmaya iyo qorshe doorasho oo la isku hayo”

Warar cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu habeeno kahor kulan gaar ah la yeeshay saddex xubnood oo ka tirsan kooxdiisii siyaasadeed ee asalka ahayd, isagoo la wadaagay qorshe la xiriira jihada doorashooyinka dalka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in madaxweynuhu qorsheynayo in marka hore la qabto doorashooyinka saddex dowlad goboleed oo muddooyinkii dambe safkiisa ku jiray, kadibna uu bilaabo wadahadal ballaaran oo ku saabsan hanaanka doorashada heer federaal.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegay inuu xubnahaasi u sheegay in uu arrintan kala hadli doono dhinacyo uu ku tilmaamay kuwo leh “sharciyad siyaasadeed,” isagoo xusay in tani ay tahay markii labaad oo uu qorshahan ku celiyo toddobaadyo gudahood taasoo muujinaysa in arrintu si dhab ah u socoto.
Dhanka kale, wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si cad u diiday in siyaasiinta la wadaaga saami qeybsiga ee kasoo jeeda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ay door ku yeeshaan doodaha la xiriira doorashooyinka ka dhici doona deegaannadaas. Wuxuu ku dooday in dhismaha dowlad goboleedyadaasi uu horey door uga lahaa, sidaas darteedna uu xaq u leeyahay jihayntooda.
Xubno ka mid ah kooxdiisa oo kulankaas ka qeyb galay ayaa sheegay in ay hadda wadaan dadaallo lagu soo saarayo hoggaamiyeyaal ka aragti dhow siyaasadda madaxweynaha ee saddexda deegaan, si ay saameyn muuqata ugu yeeshaan go’aamada la xiriira doorashada federaalka.
