Mowqif Adag: Odayaasha Luuq oo Ka Soo Horjeestay Joojinta Ciidamada Laftaagreen

Mowqif Adag: Odayaasha Luuq oo Ka Soo Horjeestay Joojinta Ciidamada Laftaagreen

Odayaasha dhaqanka magaalada Luuq ayaa raalligelin ka bixiyay dhacdadii shalay lagu hor istaagay ciidamada taabacsanaa Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo sheegay in falkaasi uusan ka turjumayn rabitaanka guud ee bulshada deegaanka.

 

Odayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in dhacdadaasi ay ka dambeyeen kooxo ay ku sifeeyeen maleeshiyaad dano gaar ah leh, kuwaas oo si gaar ah u abaabulay arrintaasi. Waxay carrabka ku adkeeyeen in bulshada Luuq aysan raalli ka ahayn iska hor imaadyo iyo xiisado colaadeed oo hor leh.

 

Dhanka kale, su’aalo ayaa ka taagan sababta ciidamada Laftagareen ay u gaari waayeen degaanka Yurkud, iyadoo ilo kala duwan ay sheegayaan in maamulka iyo ciidamada halkaasi ku sugan ay si toos ah ula shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana cadaadis lagu saaray in aan ciidamadaasi la dejin degaanka.

 

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta ee Dowladda Federaalka, oo asal ahaan ka soo jeeda Yurkud, uu door muuqda ka qaatay go’aanka lagu diiday in ciidamadaasi halkaasi ka dagaan.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee nagas oo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada taabacsan Laftaagreen oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ay gaareen Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyaga oo la filayo inay tagaan degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights