Xisbiga Mucaaradka ee ugu weyn Turkiga ee CHP ayaa doonaya in Baaritaan Barlamaani lagu sameeyo Shirkadda Qandaraaslaha Ciiddan ee lagu magacaabo SEDAT,taasi oo lagu eedeynayo inay Maleeshiyooyin Jabhadda Al-Nusra ku tababaraan gudaha dalka Syria.
Shirkadda SEDAT oo Xiriir dhow la leh Dowladda Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan waa Shirkad La-talin Difaaca Caalamiga oo Khaas loo leeyahay, waxayna Xarumaheeda Dhexena ku yaallaan maaalladda Istanbul.
Shirkadda Qandaraasyada ee SADAT International Defense Consultancy waxaa sanadkii 2012-kii asaasay Cadnaan Tanriverdi, oo ah Jeneral Hawlgab ah iyo La-Taliyihii hore ee Madaxweyne Erdogan ee Arrimaha Milliteriga.
Unal Jevikoz oo horey u ahaaKu-xigeenka Duqa magaalladda Istanbul ee Xisbiga CHP iyo Danjire hore ayaabuuxiyey Codsiga Baaritaanka ee uu Xisbiga Mucaaradka CHP u gudbiyeen Barlamaanka Turkiga ee ka dhanka ah Shirkadda Qandaraaslaha ee SADAT.