Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussien, ayaa gaaray Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Itoobiya Ridwan Hussain ayaa hadda kadagay Muqdisho
Waxa uu Muqdisho u yimid sidii qayb ka mid ah wada-xaajood iyo kulammo heer amni ah oo u dhexeeya madaxda amniga Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya, si loo xoojiyo iskaashi ku saabsan amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab. Waxa booqashada la socday taliyaha Ciidanka Difaaaca Itoobiya iyo madax kale oo ka tirsan hay’adaha amniga
Booqashadiisu waa mid rasmi ah oo ay wehliyaan saraakiil sare oo milateri iyo amni, iyadoo kulammo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaalanka argagixisada iyo arrimo kale oo amni guud ah.
Booqashadan waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya, General Birhanu Jula, iyadoo kulammo looga hadlayo iskaashiga milateri iyo sirdoonka labada dal lagu waday magaalada Muqdisho
wardeeqnews.com
