Sucuudiya oo si cad u diidday isku dayada lagu kala qaybinayo Soomaaliya

Kulankii Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sucuudiga oo uu guddoomiyay Boqor Salman bin Cabd Al-Aziz ayaa si cad u diiday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya ama lagu xadgudbo madax-bannaanida dhuleed ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Goluhu wuxuu ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudigu si adag u diidday abuurista hay’ado ama maamulyo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, ayna taageerayso xaqa iyo madaxbannaanida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ilaalinta dhulkeeda.
Bayaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale sheegay in Boqortooyadu ay ka soo horjeedo qaybinta dalka, faragelinta arrimihiisa gudaha, iyo wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo suveraanida Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo gobolka Geeska Afrika uu marayo xaalad xasaasi ah oo siyaasadeed iyo amni, iyadoo Sucuudigu uu caddeeyay inuu taageerayo xasilloonida, nabadgelyada, iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
