Afduub ka dhacay badda: Doon Muqdisho ka shiraacatay oo lagu qabsaday xeebaha

Afduub ka dhacay badda: Doon Muqdisho ka shiraacatay oo lagu qabsaday xeebaha

Wararka laga helayo xeebaha bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dabley hubaysan oo adeegsanaya doonyo dheereeya (saxiimado) ay af-duubteen doon ganacsi oo siday liin dhanaan, taasoo ka ambabaxday dekedda Muqdisho kuna sii jeeday dalka Sacuudi Carabiya.

 

Doonida la af-duubtay ayaa la sheegay inay maraysay meel ka baxsan xeebaha Gobolka Mudug xilli ay weerarka kusoo qaadeen kooxaha burcad-badeedda ah. Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in ragga hubeysan ay si degdeg ah ula wareegeen gacan ku haynta doonta, islamarkaana ay u jiheysteen dhanka xeebaha ay ka arrimiyaan.

 

Ilaa hadda lama hayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada shaqaalaha saarnaa doontaasi iyo xaaladdooda caafimaad, hase yeeshee waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku aaddan badqabka shaqaalaha iyo hantida saarneyd doonta.

 

Dhanka kale, warar dheeraad ah ayaa sheegaya in weli xeebaha Puntland lagu haysto laba markab oo horey loo af-duubtay. Mid ka mid ah maraakiibtaas ayaa lagu soo warramayaa inuu siday shidaal gaaraya 18,500 oo fuusto, kaasoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

 

Maamulka Puntland iyo hay’adaha ammaanka badda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xaaladda markabkan iyo dadaallada lagu doonayo in lagu sii daayo. Sidoo kale, ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhacdooyinkan soo noqnoqday ee ka dhacaya xeebaha dalka.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights