Doorashooyinkii Goleyaasha Somaliland oo Dib u Dhac Kale Ku Yimid

Doorashooyinkii Goleyaasha Somaliland oo Dib u Dhac Kale Ku Yimid

Somaliland ayaa mar kale wajahaysa dhaliilo la xiriira dib u dhaca doorashooyinka goleyaasha kala duwan, kaddib markii Golaha Guurtida uu dhowaan ansixiyay muddo kordhin loo sameeyay Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka.

 

Go’aankan cusub ayaa sii xoojiyay walaaca laga qabo habsami u socodka dimuqraadiyadda iyo ilaalinta jadwalka doorashooyinka, maadaama Somaliland ay horey u lahayd taariikh ay ku dib u dhigto doorashooyinka muhiimka ah.

 

Golaha Guurtida, oo ah aqalka sare ee baarlamaanka Somaliland, ayaa sharciyad u siiyay kordhintan, iyagoo ku sababeeyay arrimo farsamo, amni iyo diyaar garow la’aan dhanka doorashooyinka ah. Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ah ayaa si weyn u dhaliilay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid dib u dhigaysa hannaan dimuqraadiyadeed oo muddo dheer la dhisayay.

 

Somaliland, oo horey ugu caan baxday qabashada doorashooyin dadweyne oo nabdoon marka loo eego dalalka kale ee gobolka, ayaa haddana ku fashilantay inay si joogto ah u qabato doorashooyinka waqtigooda ku beegan. Doorashooyin badan ayaa dib u dhacay sababo kala duwan awgood, taasoo keentay in muddo kordhin lagu sameeyo hay’adaha sharci dejinta iyo kuwa deegaanka.

 

Muddo kordhintan ugu dambeysay ayaa la sheegay inay ka dhigan tahay in qaar ka mid ah goleyaasha la doortay ay sii shaqeyn doonaan muddo gaareysa ku dhawaad Laba Sano iyo Saddex Bilood, taasoo meesha ka saareysa mabda’a ah in hay’adaha dastuuri ah ay ku shaqeeyaan muddo cayiman oo lagu doorto.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights