Axmed Macallin Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

Wasiirka  Gaashaandhigga XFS  Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dadka Woqooyi Bari ay iska qaadeen heeryadii,isla markaana ay dhisteen maamul ku dhisan rabitaanka shacabka halkaasi.

Wasiirka ayaa xusay in bulshada Laaascaanood ay ku tallaabsadeen horumar degdeg ah oo dhanka bilicda magaalada ah ,iyagoo muddo afaar bilood ah ku dhistay qaar kamid ah kaabayaasha dhaqaale ee magaaladaasi.

“Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh oo si rasmi ah u soo xiraysa albaabka mashruucii beenta ahaa ee gooni u goosadka”ayuu yiri Wasiir Fiqi:

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.