Hay’adda Nabadsugida ee NISA oo sheegtay in la beegsaday guri ay ku shirayeen Al-shabaab oo ku yaala Jubbada Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay fuliyeen howlgal culus, kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalka ayay sheegeen in lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsan kooxdaka Al-Shabaab oo ku yaala degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka Taliska NISA ayaa u qornaa sidan
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.
La soco faahfaahin dheeraad ah goor dhow.
