Ra’iisul Wasaare Xams Cabdi Barre oo Safar Shaqo ku Jooga Laascaanood

Waxaan maanta safar shaqo oo ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo midnimada Qaranka, nabadda iyo adkeynta dowladnimada ku gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdiye), iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ay ugu diyaarsan yihiin soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee deegaanka imaanaya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka aan ku tagnay magaalada Laascaanood, waxaan uga golleenahay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa adkeynta dowladnimda iyo horumarinta adeegyada bulshada.





