Madaxweynaha Somaliland oo daan-daansi ku tilmaamay tegitaanka madaxda federaalka Soomaaliya ee Laascaanood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in tagitaanka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee Laascaanood ay tahay “daan-daansi iyo faragelin qaawan oo aan geed loogu soo gamban,”.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa beesha caalamka ku wargeliyay in tallaabooyinka ay qaadayso dowladda Soomaaliya ay yihiin “kuwa saameyn ku yeelan doona nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika”.

 

Madaxweyne Ciiro ayaa sheegay in Somaliland aaney cidna duullaan ku ahayn hase-yeeshee “ciddii ku soo duusha ay dhigayaan cashir lama ilaawaan ah,”.

 

“Laascaanood duullaan kuma ihi”.Wuxuuna intaa raaciyay in Laascaanood noqoto meel lagag soo duulo Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkaan sheegay maanta.Wuxuuna ku soo aadayaa xilli madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay ku suganyihiin magaalada Laascaanood ee xaruunta u ah maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya, iyagoo halkaa uga qayb galaya caleema-saarka madaxweynaha maamulkaasi Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.