Waqti badan ayaan ku qaadannaa goobta shaqada maalin walba.
Daraasado dhowr ah ayaa muuhiyay in tiro badan oo ka mod ah dadka isla shaqeeya ay iska helaan, iyagoo qaarkood isu soo bandhiga halka qaar kalena ay qariyaan.
Mararka qaar kalsoonida shaqada ayaad ku waayi kartaa inaad xiriir la sameyso qof kugula sugan goobta aad ka shaqeyso.
Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay inaan garaneyno sida loo maareeyo marxaladdaas xasaasiga ah.
Hadda xeeladahan adeegso marka aad la haasaaweyso saaxiibkaaga shaqada ama saaxiibtaada shaqada.
1- Hubi inaad raacdo dhammaan xeerarka shirkadda
Waa inaad ugu horreynn ogaato in shirkadda aad ka shaqeyso ay leedahay wax sharci ah oo ku aaddan haasaawaha shaqaalaha dhexdooda ah.
Shirkadaha qaarkood way u diyaar garoobaan sidoo ay maareyn lahaayeen marka ay shaqaalahooda xiriir haasaawe sameystaan.
Amy Baker, oo ah barfasoor cilmi nafsiga ka dhiga jaacadda New Haven ee dalka Mareykanka ayaa ku talisay in ay habboontahay aqrinta guud ahaan xeerka shirkadda, maadaama shirkadaha qaarkood aysan oggoleyn xiriir haasaawe oo dhex mara shaqaalaha gabi ahaanba.
Ku dadaal inaadan haasaawe la sameynin qof ka mid ah madaxda ama madax hooseedyada.
2- Xiriirka sirtiisa aad ha u fashilin aadna ha u qarinin
Ma habboona in xiriirka haasaawaha ee shaqada dhexdeeda ah la qariyo, sababtoo ah dadka aad isla shaqeysaan way ogaan doonaan ugu dambeyn halkaasna waxaa ku lumi karta kalsoonida.
Xaaladdu waxay aad u adkaan kartaa marka ay xiriirkan si aan ku talogal ahayn u ogaadaan madaxda, taasoo sababi karta in shaqada la idinka eryo.
Hubi inaad xogta haasaawihiinna la wadaagtaan qofka madaxda u ah shaqaalaha.
3- Qiimeyn samee
Marka ugu horreysana isweydii in xiriirkan uu yahay mid u qalma in la wado ilaa heer mustaqbal.
Haddii uu yahay mid aan sal adag lahayn wuxuu ku habboon yahay in laga tanaasulo.
Dadka qaar waxay shaqadooda ku waayaan xiriir aan loo meel dayin.
4- Isu diyaari fal-celin
Ku xisaabtan in saaxiibbada kula shaqeeya ay ka xumaan karaan xiriirkiinna siyaabo kala duwanna uga fal-celin karaan.
Qaarkood way ku farxi karaan halka qaarna ay dareemi karaan in khiyaano lagu sameeyay.
Adiga iyo lamaanahaagaba ka shaqreya sidii uu u wanaagsanaan lahaa xiriirka idinkala dhaxeeya shaqaalaha kale, shaqadiinnuna ha noqoto mid hufan.