Haddii si joogto ah aad u dareemeyso dhabar-xanuun, waxay u badan tahay in hurdada ay dhib kugu noqoto.
Cilmi-baaris lagu daabacay Wargeygka ka hadla Caafimaadka ee The Clinical Journal, sannadkii 2016-kii, waxaa lagu sheegay in hurdo la’aanta ama yaraanta ay saameyn xun ku yeelan karto dadka qaba dhabar-xanuunka joogtada ah.
Sida guud, seddax-meelood laba meel ka mid ah dadka qaba dhabar xanuunka waxay soo sheegeen hurdo la’aan.
Xiriirka ka dhexeeya hurdada iyo xanuunka
Cilmi-baaris ayaa muujineysa in xanuunka uu keeno hurdo la’aan, sidoo kale, haddii hurdada ay kugu yartahayna, wuxuu jirkaaga u nuglaanayaa xanuunka.
Haddaba, haddii dhabar xanuun aad dareento waxaa kugu yaraaneysa hurda, marka aad heliweydo hurdo kugu filanna, xanuunka wuu kaaga sii darayaa.
Haddaba, side arrintaas uga gudbi kartaa oo xanuunkana kaaga tagi karaa, si fiicanna ugu hurdi kartaa?
Qodobbadan akhriso:
1: Gari xilliga la is kululeeyo iyo xilliga la is qaboojiyo
Barafka wuxuu mararka qaar yareyn karaa bararka xanuunka keena iyo in neerfayaasha ay si xowli ah u shaqeeyaan. Sidoo kale kuleylka wuxuu kordhiyaa wareegga dhiigga, wuxuuna dabciyaa murqaha iyo xubnaha kale ee dhabarka.
Dhakhtarka Madaxda ka ah Barnaamij Internet-ka oo dhaqaatiirta lagula sheekeysto Richard Honaker, wuxuu Email uu u diray HealthCentral, ku sheegay in si talantaali ah loo isticmaali karo qabowka iyo kuleylka, min 15 daqiiqo.
Waa in taa la sameeyo ugu yarran laba saacadood ka hor xilliga aad sariirta aadi lahayd ee aad seexan lahay.
2: Dhakhtarkaaga kala hadal nooca dawada ee xanuun baabi’iyaha ah
Waa arrin iska caadi ah in marka uu dhabarka na xanuuno in aad farmashiga ku cararno oo kaniin iska soo iibsano, sida Aspirin ama Ibuprofen (Advil).
Balse nasiib darro, labadan dawo waxaa dhici karto in hurdo la’aan ay ku dhigaan. Balse dawada Acetaminophen (Tylenol), ayaa kuu wanaagsanaan karta, balse cilmi baaris ayaa muujisay in dawadan ay dhici karto in xanuunka aysan kaa qaadin.
3: Dadka ha ka dhexbixin (bulshaawi noqo)
Cilmi Baaris lagu dhaabacay Joornaalka Rheumatology, sannadkii 2015-kii, ayaa muujineysa in xitaa haddii xanuunka uu kordho – ay dhici karto in ay sabab u yihiin yareynta dhaqdhaqaaqa jirkaaga iyo in aad bulshada ka dhex baxday.
Taas micneheedu wuxuu yahay in aad bulshada ku dhex jirto oo aad socoto ay kordhineyso shaqada jirkaaga, ayna kaa caawineyso in xanuunkana uu kaa tago, si wanaagsanna aad u seexato.
4: Si wanaagsan u samee jimicsiga
Sida dhaqaatiir badan oo qaabilsan jirka ay ku taliyaan, jimicsiga waa dawada u wanaagsan xanuunka dhabarka, murqaha iyo in uu jirka si wanaagsan u shaqeeyo.
Jimicsiga jirka iyo murqaha iyo jimicsiga sambabada iyo neefta – oo isbuucii min laba goor aad sameyso – waxay ka hortagi kartaa dhabar xanuunka, waxaadna ka heli kartaa hurdo wanaagsan.
Sidoo kald, dhaqaatiirta waxay ku taliyaan in dabaasha ay labadaba – hurdada iyo dhabar xanuunka – u wanaagsan tahay.
5: Baro sida maskaxdaada looga saaro walwalka
Jimicsiga Maskaxda ee hurdada lagu helo ee loo garanayo MBSR, wuxuu sidoo kale yareeyaa dhabar-xanuunka.
Cilmi-baaris ayaa lagu ogaaday in jimicsigan maskaxda ka saara walwalka, uu la mid yahay sida in aad baraneyso sida loo hagaajiyo dabeecadahaaga.
Taas micneheedu wuxuu yahay, in walwalka uu saameyn ku yeesho hurdada, taas oo kuu keeni karta dhabar xanuun. Haddaba, walwalka waa in aad ka saartaa maskaxdaada, jirkaaga, murqahaaga, adigoo raacaya qaababka yareynta walbahaarka.
6: Joodariga ugu wanaagsan ku seexo (kuwa isku dhex-dhaca ka fogow)
Maadaama ay jiraa shirkado aad u badan oo soo saara joodariyo, way adag tahay in la kala xusho ama la kala karto kuwa wanaagsan iyo kuwa xun.
Balse, waxaad niyadda ku haysaa in aad u baahan tahay joodari aan aad u adkeyn, una jilicsanayn oo dhexdhexaad ah. Sida dhaqaatiirta isku raaceen, meesha aad seexaneyso waa halka sababi karta in xanuunka uu kugu sii bato, ama yaraado.
Sida ugu wanaagsan waa in meel aad ku naaloon karto oo macaan aad ku seexato.
Cilmi-baaris la sameeyay sannadkii 2017-kii waxaa lagu sheegay in joodariga cinjirka ah ay dhici karto in uu ka wanaagsanaado kuwa kale.
7: Si wanaagsan oo fiican u seexo.
Maadaama ay fududahay in aad rafato xilliga aad hurdeyso, ‘haddaba ma jiro qaabka ugu waangsan ee aad u seexan karto, gaar ahaan dadka dhabar-xanuunka qaba,’ sida uu sheegay dhakhtarka jirka ku taqasusay ee Mackenzie Chrisco.
Balse sida ay baahisay HealthCentral, dadka dhinaca u seexda, waxay u baahan yihiin in barkin ay dhexgeliyaan lugahooda, si ay u yareeyaan rafashada badan.
Sidoo kale, dadka dhabarka u seexda, iyagana barkin way gashan karaan lugaha hoostoosa. Waa qaabta yareynta xanuunka.
8: Barkinta aad ku seexaneyso iska eeg
Dhakhaatiirta waxay ku taliyaan in barkinta aad ugu seexato si dhexdhexaad ah – illaa garbaha ha saaranin, geesahana ha uga seexanin. Taas waxaa kaa caawin kara barkinta ugu fiican in aad haysato.
Haddii aad tahay qof garbo-ballaaran leh, waxaad u baahan tahay barkin wayn. Haddii aad garbo yartahayna, waa in aad barkin yar ku seexataa, sida lagu qoray HealthCentral.
Waxa ay barkinta ka sameysan tahay muhiim ma ahan, waa haddiiba madaxaaga ay celin karto oo sedax saxda ah aad ugu seexan karto.