Kulan looga hadlay gurmad degdeg ah oo la gaarsiinayo dadka ay abaartu saameysay.

Kulan muhiim ah oo looga hadlayay sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay nool deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa lagu qabtay Hoolka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee magaalada Baydhabo.
kulanka Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka , Horumarinta Reer Miyiga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka KGS, iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Kulanka oo diiradda lagu saaray dardargelinta gurmadka bani’aadannimo, xoojinta iskaashiga iyo sidii si hufan oo degdeg ah gargaar loo gaarsiin lahaa bulshada nugul ee ay abaartu saameysay.
Mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada gurmadka, si loo yareeyo saameynta abaarta loona badbaadiyo nolosha dadka ay abaartu saameysay.
