Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed kaddib caleemo-saarkii guuleystay ee Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

 

Farriin hambalyo ah oo ay soo saartay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu muujiyay rajada iyo hambalyada ay u direyso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda caleemo-saarkaas guuleystay awgeed.

 

Safaaraddu waxay sheegtay inay si gaar ah ugu hambalyaysay Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cal ee la caleema saarkiisu ka dhacay magaalada Laascaanood.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.