Dagaal culus oo ka socda degmada Warsheekh ee G/Sh/Dhexe.

Weerar ku bilowday qaraxyo ayaa saaka maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen xeryo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Degmada Warsheekh, ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaal culus uu weli ka socdo goobta, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar toos ah ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada, iyadoo la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo is xigay.
Dagaalkan ayaa imanaya xilli Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadeen deegaanno ay Al-Shabaab ku sugan yihiin, gaar ahaan deegaanka Jabad-Godane, taas oo la rumeysan yahay inay sababtay weerarka ay saaka qaadeen maleeshiyaadku.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare kala duwan uu jiro, balse weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, maadaama dagaalku weli socdo, isla markaana xaaladdu tahay mid aad u cakiran.
Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin faahfaahinta rasmiga ah ee dagaalkan, hase yeeshee warar madax-bannaan ayaa tilmaamaya in ciidamadu ay iska caabin xooggan sameynayaan.
Wararka soo kordha kala soco.
