Baqtiga Argagixisada iyo Dagaal Culus oo Saakay Lagu Cagmariyey Deegaanka Jabad Godane

Saakay waaberigii, geesiyaasha Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal culus ku cagmaray deegaanka Jabad Godane, kaddib markii argagixisadu isku dayeen weerar ay kusoo qaadaan aaggaas.

 

Isku daygaas fashilmay ayaa sababay in iska caabin adag lagula hortago bananka hore ee Jabad Godane, taas oo ay si geesinimo leh u wajahayeen Kumaandooska Danab.

 

Dagaal culus oo socday saacado ayaa ka dhashay weerarkaasi, waxaana halkaas lagu gaarsiiyey baqti iyo jab culus maleeshiyaadkii argagixisada ahaa.

 

Geesiyaasha Kumaandooska Danab ayaa muujiyey adkaysi, feejignaan iyo xirfad militari oo sare, iyagoo burburiyey qorshihii cadowga kana dhigay in deegaanka si buuxda gacanta loogu dhigo.

 

Howlgalkan ayaa caddeyn u ah doorka laf-dhabarta ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ka qaataan ciribtirka argagixisada iyo sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.