Shirkadaha Israa’iil ee rabta inay heshiisyo la gasho suuqyada Somaliland iyo waxa ay iska kaashan karaan

Sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil, labo shirkadood oo Israa’iili ah, VisiRight iyo Amore Capital, ayaa Axaddii ku dhawaaqay iskaashi istaraatiiji ah oo lagu taageerayo ganacsiyada Israa’iil ayna ku doonayaan inay galaan suuqa Somaliland.
Hindisahan ayaa imaanaya kaddib aqoonsigii dhowaan ay Israa’iil siisay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, taasoo noqotay tallaabo diblomaasiyadeed oo soo jiidatay indhaha caalamka, dhalisayna xiisad.
Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay sheegtayna inay tahay “xadgudub lagu sameeyay gayigeeda”.
Sidoo kale dalal badan iyo ururro caalami ah ayaa garab istaagay Soomaaliya.
Halkan hoose ka dhageyso
