Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Koonfur Galbeed oo weli wadda ololaha talaalka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Koonfur Galbeed oo weli wadda ololaha talaalka iyo daaweynta xoolaha ayaa degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ka fulisay talaal iyo daaweyn loo sameeyay Ariga, Geela iyo Lo’da.

 

Talaalkan oo horey uu u daahfuray Mudane Sandheere Mad Iftiin, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa qorshihiisu yahay in la gaarsiiyo toddobo degmo oo ka tirsan gobollada Koonfur Galbeed.

 

Wasiirka ayaa sheegay in ololahan uu yahay mid lagu xoojinayo caafimaadka xoolaha, laguna badbaadinayo nolol-maalmeedka xoolo-dhaqatada, isla markaana looga hortagayo cudurrada faafa.

 

Degmada Walanweyn ayaana noqoneysa degmadii saddexaad ee laga fuliyo talaalka iyo daaweynta xoolaha, waxaana ka horreeyay degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor ee gobolka Baay.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.