Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un ayaa ciqaabay saraakiisha ugu saraysa xisbiga talada haysa kadib markii uu ku guuldareystay jawaab celinta mashaakilkii COVID-19 ee horseeday “dhacdo qabri” oo aan la cayimin isla markaana amaanka dalka iyo dadka halis galisay, warbaahinta dowlada ayaa sheegtay Arbacadii. Warbixinta wakaaladda wararka ee dowladda ee KCNA laguma faah-faahin waxa dhacay, ama sida ay dadka halista u gelisay, ayay tiri wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.