Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa soo afjaray

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa soo afjaray Khawaarijtii soo weerartay deegaanka Kudhaa ee hobolka Jubbada Hoose, iyagoo warbaahinta u soo bandhigay meydadka maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta iyo horjoogayaashoodii oo lagu laayey dagaalka.

 

Sidoo kale, Ciidamada ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay dagaalka Kudhaa uga furteen Khawaarijta, kuwaas oo lagu furtay cadowga kadib markii lagu laayey dagaalka.

 

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalkaan oo soo bilowday waaberigii hore ee shalay ay saakay soo afjareen, kadib markii ay hareereeyeen cadowga, kadibna ay ku laayeen halkaas, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay meydadkooda oo tiro beel ah.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.