Taliyaha Ururka 115-aad ee Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed

Taliyaha Ururka 115-aad ee Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Laba Xidigle Ayuub Cabdi Ibraahim, ayaa hoggaamiyey howlgal ballaaran kaas oo laga fuliyey deegaano dhowr ah, kuwaas oo kala ah Dhidhegloole, Maaranka, Balow, Baahane Goof-Yarow iyo Gaawto. Sidoo kale waxaa hogaaminta howlgalka qeyb ka ahaa Dhaayow Xasan Cali, oo ah Abaanduulaha ururka.
Howlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga guud, ciribtirka falalka amni-darrada iyo ka hortagga khataraha ay ku hayeen shacabka kooxo hubeysan.
Deegaanadan ayaa horey u ahaa goobo ay kooxaha Khawaarijta ku dhibaateyn jireen dadka rayidka ah, isla markaana ka abaabuli jireen falal amni-darro.
