Xasan Sheekh oo barlamaanka u gudbinaya waxka bedel cusub oo dastuurka lagu samaynayo.

Walaac xooggan ayaa durba laga muujinayaa dedaalada ay madaxtooyada Somalia ku bixinayso sidii waxka beddel horleh loogu samayn dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, xilli siyaasiyiinta mucaaradku horay u qaadeceen waxka beddelkii hore.
Arrintaan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay guddiga arrimaha dastuurka xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia u soo jeediyey dhawr qodob oo ay kamid yihiin,
1-In Guddiga Dastuurka ay ka codsadaan Guddoonka Baarlamaanka in dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka, lana kordhiyo muddo hal bil ah oo shaqo adag ah si loo dhammeystiro howlaha dastuurka.
2-In la diyaariyo wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo Madaxtooyadu si rasmi ah u soo gudbin doonto qodobada la beddelayo, kuwaas oo la sheegay inay ka kooban yihiin labo cutub oo muhiim ah oo ka mid ah Dastuurka.
3-In muddo kooban gudaheed wax-ka-beddelkaas loo horgeeyo Golaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si dood rasmi ah loogu furo, kadibna cod loogu qaado.
Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy), oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa walaac xooggan ka muujiyey tallaabdaan oo uu ku tilmaamay mid uga sii dari doona xaaladda siyaasadeed ee dalka.
“Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee ummadda, mana aha dukumeenti lagu dedejin karo. Go’aan kasta oo aan wada-tashi lahayn wuxuu dhaawacayaa mustaqbalka qaranka,” ayuu yiri Xildhibaan Caanooy oo dalbaday in la helo waqti ku filan iyo dood hufan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda.
