why women live longer than men - Wardeeq news

Sida laga soo xigtay Health Paradox, in kastoo haweenka ay ka xanuunno badan yihiin ragga, haddana dumarka xilligan casriga ah way ka cumri dheer yihiin nimanka.

Hadda, illaa 31 qof oo daafaha caalamka ku kala nool ayaa dhaafay da’da 110 sano. 30 ka mid ah waa dumar.

Maxay tahay sababta? Ma waaxay la xiriirtaa hannaanka difaaca jirka? Ma nasiib baa ama wax kale ayaa jiro?

Halkan ka akhriso seddax arrimood oo dhaqaatiirta ay sabab oga dhigayaan:

  1. Ragga jirkooda ma daryeelaan – mararka qaarna way ku xadgudbaan

Mid ka mid ah arrimaha loo sababeynayo in ay saameyso nolosha ragga waa in aysan daryeelin naftooda iyo jirkooda. Waxaana ku badan cabidda sigaarka.

Sida ay sheegtay hay’adda WHO, illaa 40% ragga caalamka waxay dhuuqaan sigaar, halkan 9% dumarka ay ka yihiin. Waana sababta uu kansarka ka dhasho sigaarka iyo balwadaha kale ugu badan yahay ragga.

Sidoo kale, qaabka ay wax u cunaan, xilliyada ay wax cunaan, dhammaan ma ahan kuwa u wanaagsan caafimaadkooda.

Sidoo kale, cilmi-baaris ayaa muujisay in xanuunka sokorta uu ku badan yahay ragga, marka la barbardhigo haweenka.

  1. Dumarka waxaa jirkooda ku jira Estrogen
Maxay tahay sababta dumarka ay uga cumri-dheer yihiin ragga? Image Credit: Getty Images

Seynisyahannada waxay sheegeen in maadada Testosterone ee ragga jirkooda laga helo ay sare u qaado halista kansarka xiidmaha ku dhaca.

Sidoo kale, waxaa jiro cilmi-baarisyo lagu sheegay in maadada Testosterone ay xoojineyso raganimada dhallinyarada, balse ay yareyneyso heerka nolosha ragga.

Balse maadadan ku jirta jirka haweenka ee Estrogen waxay caawisaa dareenka dumarka, waxayna hagaajisaa dhiigga oo xinjiraha ay ka saartaa – dufinka jirkana way isu dheellitirtaa.

Estrogen waxay sidoo kale baabi’isaa suntan jirka, waxayna maqaarka dumarka ka celisaa in uu kaduuto oo duqnimada ka muuqato.

Seynisyahannada waxay aaminsan yihiin in shaqada Estrogen, iyo dhulmo-dayska dumarka, ay sabab u yihiin in uu ku yaryahay wadne-xanuunka, marka la barbardhigo ragga.

  1. Gabdhaha way ka adag yihiin wiilasha isla marka ay dhashaanba

Qaar ka mid ah dhakhaatiirta seyniska waxay aaminsan yihiin in gabdhaha ay dhashaan iyagoo adag, marka loo eego wiilasha. Way ka xoog badan yihiin, wayna ka caafimaad badan yihiin.

Joy Lawn, oo ah Agaasimaha Xarunta Dhulmarada iyo Taranka iyo Caafimaadka Carruurta ee Machadka Caafimaadka London, waya sheegtay in wiil dhicis ah haddii uu dhasho ay u badan tahay in uu dhinto, marka la barbardhigo gabdhaha dhiciska ku dhalan kara.

Unugyada borotiinka iyo asidhka ah eek u jira hido-sidaha gabdhaha ayaa loo sababeynayaa in arrintaas ay keento.

Dhiigga bini-aadamka waxaa ku jiro ugu yaraan laba nooc oo jinsiyad oo wiil ama gabar u kala qeybsan. Gabdhaha waxay haystaa XX halka wiilashana ay yihiin XY.

Cilmi-baaris dhowaan lagu sameeyay laba nooc oo doolli ah. Qoraaga saree e baaritaankan oo ah Neurologist, Dena Dubal, wuxuu sheegay in ay ogaadeen in jiirkii lahaa XX uu ka cumri dheeraaday midkii kale ee XY.

Qaabka cumrigooda waxaa la qiimeeyay 21 bilood ka dib, oo loo arko in ay tahay da’da ugu dheer ee jiirka uu gaaro.

Baarayaasha waxay sheegeen in X-ta dheeraadka ah iyo hido-sidayaasha ay la falgasho ay sabab u yihiin badbaadada qofka.

Balse waxaas oo dhan waxay ku xiran yihiin in marka hore uu Alle kuu qadaro. Wax aan laguu qadarin kuguma dhacayaan, mana heleysid ama la kulmeysid.

Verified by MonsterInsights