Waxaa maanta magaalada Baydhabo lagu qabtay kulan bille

Waxaa maanta magaalada Baydhabo lagu qabtay kulan bille ah oo u dhexeeya bahda caddaaladda iyo amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, kor u qaadista caddaaladda, iyo adkeynta wada-shaqeynta hay’adaha dowliga ah iyo bulshada.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Maamulka Degmada Baydhabo, odayaasha dhaqanka, lataliyaha Madaxweynaha KGS, saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga, haween, dhallinyaro, iyo wakiillo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada.
