Warar dheeeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciidamada itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka halgan ee gobolka hiiraan
Wararka ayaana sheegaya in madaafiicdaan qaarkood ay ku dheceen gudaha saldhiga islamarkaasna uu weerarkaan ahaa mid geystay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhiasho iyo dhaawac
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan,waxaana ay sheegeen in ay 7 madfac ay ku garaaceen saldhigga ciidamada itoobiya ee deegaanka Halgan,
Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan barahooda dhinaca interteetka ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaan madaafiicda ah ay qasaaro xoogle ku gaarsiiyeen ciidamada itoobiya wallow aysan si rasmi ah ku shaacin tirada khasaaraha uu hgeeystay weerarkaani
Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiayay weerar madaafiicda ah oo ay labeegsanayaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa amisom
Weerarkaan ayaana imaanaya iyadoo al-shabaab dhawaan ay weerar noocaan ookale ah ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ay ka degenyihiin degmada Diinsoor Gobolka Bay