Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dadaallada Guddiga Gurmadka Abaaraha KGS

Iyadoo laga jawaabayo baaqa Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dadaallada Guddiga Gurmadka Abaaraha KGS, Xildhibaan Saalax Shariif Siidkey, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, ayaa deeq xoolo nool ah gaarsiiyey qaar ka mid ah madarasooyinka iyo qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Baydhabo.

 

Deeqdan xoolaha nool ayaa looga faa’iideeyey carruur agoonta ah iyo qoysas danyar ah oo ay si weyn u saameeyeen abaaraha ka jira deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madarasooyinka la gaarsiiyey deeqda ayaa ah kuwo lagu barbaariyo carruur agoonta ah, kuwaas oo wajahaya duruufo nololeed oo adag.

 

Xildhibaanka ayaa waxaa wehliyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Ibraahim Cali (Bilal), Lataliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Arrimaha Warbaahinta Mudane Br. Xaayow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Degmada Baydhabo ee Arrimaha Bulshada Mudane Aadan Cali Carab.

 

Ujeeddada deeqdan xoolaha nool ayaa ahayd in lagu garab istaago dadka nugul, gaar ahaan carruurta agoonta ah iyo qoysaska aan awoodin inay daboolaan baahiyahooda nololeed, si ay u helaan ilo nololeed oo waara, iyadoo la fulinayo baaqa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo talooyinka Guddiga Gurmadka Abaaraha KGS.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.