Farxiya Fiska oo sheegtay in seygeeda u gacan qaaday

Maalmihii u dambeeyay, waxaa la hadal hayay in la ‘jir dilay fannaanadda caanka ah, Farxiya Axmed Cadaawe Geedi (Farxiya Fiska)
Farxiya ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay inuu u gacan qaaday seygeeda, Mubaarak Axmed Yuusuf “Oktoobar”.
Waxaa ay sheegtay in qol lagu xiray muddo afar saacadood ah, isla markaana jir dil loo geystay.
“Waxa i soo gaaray wax yar ma aha, filan waa ayay igu noqotay. Korkeyga meel fayoow ma leh”, xitaa wuu i ceejiyay oo wuxuu rabay inuu nafta iga qaado oo ilaa hadda dhuunta way i xanuuneysaa”, ayay tiri Farxiyo.
Dhanka kale, waxaa ay sheegtay in la soo xiray seygeeda balse damaanad lagu soo daayay isla markaana ay la tiigsatay maxkamadda, kiiskooduna uu socdo.
Waxay sheegtay in xaaladeeda caafimaad ay haatan wanaagsan tahay.
Farxiyo Fiska iyo Yurub Geenyo oo is wareystay – Maxay ka sheekeysteen?
