Safaaradda JFS ee Tanzania oo Xoojisay Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Tanzania

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dar es Salaam, Tanzania, ayaa dhowaan Xariga kajari doonta Dhismaha cusub ee Deegaanka Safiirka, Safaaradda JFS ee Tanzania oo Xoojisay Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Tanzania oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo muuqaalka diblomaasiyadeed, isla markaana lagu xoojinayo adeegyada Safaaradda.
Dhismahaan ayaa noqon doona midkii labaad ee dhismihiisa laga hirgeliyo Mudada 1ka sano ah ee uu joogo Danjiire Amb Ilyas Ali Hassan Safaarada, iyadoo sanadkii hore bishii June Xariga laga jarey Dhismaha Xafiisyada Safaarada oo dib udhis iyo qalabeyn lagu sameeyey.
