Xiisad Siyaasadeed oo ka Qaraxday Xarunta BFS, Buuq Culus iyo Xildhibaano la Hortaagay

Buuq iyo sawaxan xooggan ayaa maanta ka taagan xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo wali uu hakad ku jirto qabsoomidda kulanka wadajirka ah ee labada aqal.

 

Xaaladda ayaa sii cakirantay kadib markii ciidamo badan oo ka tirsan booliska lagu daadiyay xarunta Baarlamaanka iyo agagaarkeeda.

 

 

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, iyo saraakiil kale ayaa lagu arkay gudaha xarunta Baarlamaanka.

 

Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa si cad uga hor yimid qabsoomidda kulanka, iyagoo diidan in maanta lagu galo wax ka beddelka dastuurka, maadaama aysan jirin, sida ay sheegeen, heshiis siyaasadeed oo arrintaas lagu saleeyay.

 

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada mucaaradka ay wajahayaan xannibaad culus, kadib markii baabuurtooda ay hor istaageen ciidamo amni, kuwaas oo ku amray in ay dib u laabtaan, islamarkaana aan loo ogolaan in ay galaan xarunta Baarlamaanka.

 

Sidoo kale, jidadka muhiimka ah ee caasimadda, gaar ahaan Isgoyska Dabka oo laga galo xarunta Baarlamaanka, ayaa lagu xiray gaadiid ciidan, iyadoo la celinayo xildhibaano loo arkay in ay ka soo horjeedaan wax ka beddelka dastuurka.

 

Gudaha xarunta, wararka ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah xildhibaanada loogu hanjabay in taleefannadooda gacanta xoog looga qaadi doono, si loo joojiyo baahinta tooska ah iyo duubista dhacdooyinka.

 

Xildhibaan Sanyare ayaa si toos ah (Live) uga baahiyay xaaladda gudaha Baarlamaanka, isagoo sheegay in aan laga qaadi karin taleefankiisa, isla markaana ku dooday in uu ka horreeyo askarta taagan, kuna adkeystay xaqa uu u leeyahay in uu xogta la wadaago bulshada.

 

Dhanka kale, warbaahinta madaxa bannaan ayaa laga mamnuucay inay si buuxda uga howlgalaan gudaha xarunta Baarlamaanka, taasoo dhalisay su’aalo la xiriira daahfurnaanta fadhiyada iyo xorriyadda warbaahinta.

 

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo si gaar ah loogu dul-dhigay xildhibaanada iyo saxafiyiinta, iyadoo jawigu yahay mid aad u kacsan, kana muuqato khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

 

Xaaladda Baarlamaanka ayaa haatan u muuqata mid halis u ah xasiloonida geeddi-socodka siyaasadeed, iyadoo si weyn loo sugayo in hoggaanka Baarlamaanka iyo dhinacyada siyaasadda ay xal ka gaaraan khilaafka, si looga fogaado isku dhac hor leh iyo qalalaase siyaasadeed.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.