Maxaa Ka Socda Bariga Dhexe? 5 War oo Aad Ogaan Laheyd

Iyadoo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran uu weli si weyn uga dhex muuqdo warbaahinta caalamka, haddana waxaa jira warar kale oo muhiim ah oo laga yaabo in dad badani ka maqnaadeen maalmihii la soo dhaafay.
Sarkaal hore oo Suuriyaan ah oo maxkamad lagu soo taagay London
Sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada Suuriya, Salem Michel al-Salem, ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taalla magaalada London si uu uga jawaabo eedeymo la xiriira dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Ninkan oo hore u ahaa kornayl ayaa lagu eedeeyay inuu door ku lahaa caburintii mudaaharaadyadii dhacay sanadkii 2011. Waxaa lagu soo oogay saddex dacwadood oo dil ah, kuwaas oo la sheegay inay qayb ka ahaayeen weerarro nidaamsan oo lagu qaaday dad rayid ah.
Kiiskan ayaa noqday dacwaddii ugu horreysay ee noocan ah ee lagu qaado gudaha Boqortooyada Ingiriiska.
Suuriya oo sarkaal YPG ah u magacowday wasiir ku-xigeen difaac
Wasaaradda Gaashaandhigga Suuriya ayaa ku dhawaaqday in Sipan Hamo, oo ka tirsan hoggaanka ciidamada YPG ee Kurdiyiinta, loo magacaabay wasiir ku-xigeenka difaaca ee gobollada bari ee dalka.
Magacaabistan ayaa ka mid ah heshiis uu Maraykanku dhexdhexaadiyay oo la gaaray dabayaaqadii Janaayo, si loo joojiyo dagaallo culus oo dhex maray ciidamada Kurdiyiinta iyo kuwa dowladda Suuriya.
Kooxda SDF ayaa sheegtay in magacaabistaasi ay caddeyn u tahay dadaalka lagu doonayo xasillooni iyo amni gobolka.
Zimbabwe oo lagu eedeeyay caburin ka dhan ah mucaaradka
Hay’adda Human Rights Watch (HRW) ayaa ku eedeysay dowladda Zimbabwe in ay kordhisay cadaadiska lagu hayo dadka dhaliila qorshaha lagu kordhinayo muddada xilka madaxweynaha.
Xisbiga talada haya ZANU-PF ayaa soo jeediyay wax ka beddel dastuurka ah oo kordhinaya muddada xilka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga bilaabo 5 sano ilaa 7 sano. Haddii la ansixiyo, doorashooyinka la filayay 2028 waxaa dib loogu dhigi karaa 2030.
HRW waxay sheegtay in booliska iyo kooxo hubeysan ay hanjabaad, jirdil iyo cabsi gelin u geysteen dadka ka soo horjeeda qorshahan.
Talyaaniga oo $35 milyan ku iibsaday sawir farshaxan oo naadir ah
Dowladda Talyaaniga ayaa ku iibsatay ku dhawaad $35 milyan sawir farshaxan oo aad u naadir ah oo uu sameeyay farshaxankii caanka ahaa ee Caravaggio.
Sawirka ayaa muujinaya Monsignor Maffeo Barberini, oo markii dambe noqday Pope Urban VIII, waxaana la rumeysan yahay in la sameeyay qiyaastii sanadkii 1598.
Sawirkan ayaa hadda lagu soo bandhigi doonaa Palazzo Barberini ee Rome, halkaas oo uu ka mid noqon doono ururinta joogtada ah ee matxafka.
Ciidamada Qaramada Midoobay oo diiday inay ka baxaan magaalo ku taalla South Sudan
Howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee South Sudan (UNMISS) ayaa sheegay in ciidamadoodu aysan ka bixi doonin magaalada Akobo, inkastoo ciidamada dowladda ay ku amreen inay ka baxaan.
Ciidamada dowladda ayaa hore u sheegay in ay bilaabi doonaan howlgal militari, iyagoo dadka rayidka ahna ku amray inay ka guuraan magaalada iyo tuulooyinka ku dhow.
UNMISS ayaa sheegtay in joogitaankooda uu muhiim u yahay ilaalinta shacabka rayidka ah, isla markaana ay muhiim tahay in la ixtiraamo amniga shaqaalahooda iyo qalabkooda.
Waxaa sidoo kale isa soo taraya cabsi laga qabo in South Sudan dib ugu laabato dagaal sokeeye oo buuxa, kadib markii ay kordheen iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka.











