Saraakiisha Ciidanka Xoogga Oo Sheegay In Ay Howlgal Ku Qabteen Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

0
153

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, waxaana ay sheegeen in howlgalladaasi ay ahaaayeen kuwo qorsheysan oo ay ku baadi goobayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo sida ay tilmaameen ku sugan Gobboladaasi.

Waxaa ay sheegeen Saraakiishu in Howlgalkii ugu dambeeyey ay ciidanku ka sameeyeen tuulooyinka kala ah, maguurto, Gumarrey, Kaxarrow,Doonka weynow,Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale iyo kuwa kale waxaana ay intaa ku dareen in Howlgalkaas oo qaatay saacado badan ay ku qabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here