Reysarwasaaraha dalka jabuuti ayaa abaal marin gudoonsiiyey xildhibaanka ugu codka badan xildhibaanada golaha wakiilada somaliland.
Isagoo Abaal marintaa ka dareen celinaya waxa uu yidhi:-
“Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane’ Abdulqadir Kamil Maxamed iyo Dawladda Jabuuti waan uga mahadcelinaya in ay igu maamuuseen Billada ugu sarreysa qaranka Jabuuti.
Billadan waxa aan u hibbeyn doona shacabka sharafta badan ee Reer Somaliland ee aan huwanahay karaamadooda, Codkooda, iyo Calankooda. Waxa aanan u guddoonsiin doona qofka qaranka ugu mudan Insha Allah.”.
Wardeeqnews/xafiiska hargeysa.