Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu gaashaanka udaruuray Qorshe uu waday wasiirka amniga lagu muransayahay ee xukuumadda Soomaaliya
Abdulaahi Maxamed nuur
Wasiirka Amniga ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa uu saacadiihii lasoo dhaafay kulan la qaatay Qoyska ikraan Tahaliil Faarax isagoona ku amray in banan baxyo ay dhigaan ay ku mujinayaan dareenkooda
Waxaana Amray kaasi ka biyadiiday oo ka hor yimid iclaanka wasiirka lagu muransayahay ee amniga
Cali cabdi wardheere cali yare Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir oo shir ja,raid qabtay
Waxaana uu sheegay in xiligaan aysan macaquul aheyd in bananbaxyo la iclaamiyo islamarkaasna ay ka dhalan karaan halis badan oo dhimaca amniga ah
Guddoomiye Cali yare ayaa Masuuliyadaro ku tilmaamay Amarka uu bixiyay wasiirka Amniga lagu muransayahay Abdulahi maxamed nuur isagoo sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uusan aqbaleyn in Lagu dhaqaaqo fal sababi kara in halis ay gasho xaalada amni ee Caasimada
Arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xili Dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay Wasiirka Cusub Amniga Oo muran xoogan uu dhaliyay habacaabistiisa
Waxaana Laamaha Amniga Maamulka Gobolka Banaadir Masuul u hadlay uu sheegay in aysan la shaqeyn doonin hadii sharciga uusan soo waafaqin