Madaxweyne Farmaajo Oo Shuruudo Ku Xiray Wadda Hadaladii Socday

0
66

iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay socdeen dadaalo lagu xalinayo khilaafka soo kala dhexgalay Raiisul Wasaare Rooble Iyo Madaxweyne farmaajo ayaa waxa walaac xoogan laga muujiyay shuruud uu madaxweyne farmaajo ku xiray dadaaladii socday

Madaxweynaha Jamhuuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa waxa uu laba shuruud oo adag uu ku xiray xalinta khilaafka udhexeya isaga iyo Raiisul wasaare rooble

Madaxweyne farmaajo ayaa waxa uu sheegay in hadii la doonayo in lasoo afjaro khilaafka laba arin loo sameeyo

waa mida koowaade in In Bashiir goobe xilka  laga qaado oo isaga loo madax banan in uu soo magacaabo taliyaha cusub ee Ha,ada Nisa

Waa Mida labaade In wasiirka amniga ee dhwaan uu magcaabay Rooble loo wareejiyo wasiirka arimaha guddaha islamarkaasna uu isagu madaxweyne farmaajo uu soo magacaabo wasiirka amniga xukuumada soomaaliya

qaar kamid ah siyaasiyiinta u dhuun duleela siyaasada soomaaliya ayaa waxa ay ku tilmaameen shuruudaha madaxweyne farmaajo ay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo dadaalada xalka loogu raadinyo labada dhinac

waxaana ay sheegeen taasi hadii ay dhacdo uu madaxweyne farmaajo si toos ah ula wareegayo Amniga dalka oo uu horay Raiisul wasaare ugu wareejiyay

sidookale waxa ay siyaasinyiintu sheegeen in sii jiritaanka khilaafkaan uu madaxweyne farmaajo ka damacsanyahay ujeedooyin gaar hadiiba uu doonayo in wax walba isaga looga tanaasulo

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here