Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Xukuntay Laba Nin Oo Ajnabi Ah

0
78

Makamada darajada koowaad  Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday laba nin oo ajnabi ah kuwaasi oo loo heysto eedeymo kala duwan

Laba daan nin ayaa waxa lagu kala magcaabaa Daren Antonia Brnes iyo Axmed Mustaqiim Cali, oo la sheegay in ay u kala dhasheen  dalalka England  iyo Malaysia.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida dowladda soomaaliya ayaa sheegtay in nimankaan loo heystaa kamid ahaanshiyaha kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya

Sidookale waxa labadaan nin loo heystaan in ay sifo sharci-darro ah dalka kusoo galay soomaaliya oo ay wadeen falal amniga ka baxsan islamarkaasna ay la shaqeynayeen kooxaha dagaalka kula jira dowladda.

Warkasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in labada eedeysane ee maanta la xukumay fursad loo siiyay in dalalkooda ay ka dalbadaan qareeno difaaca

Daren Antonia Brnes iyo Axmed Mustaqiim Cali ayaa waxa maxkamadu ay dacwadooda dheysatay markii ugu dambeeysay 17 kii bishaan

Waxaana ugu dambeyn maanta xukunkooda ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamada darajada koowad ee ciidamada qalabka sida xasan cali nuur shuute

Dhanakale Dowladda Malaysia oo ka hadashay xukunka lagu riday muwaadin udhashay dalkeeda ayaa waxa ay sheegtay in ay tahay mid sharcidaro ah

Waxaana ay sheegtay in cadeymo rasmi ah ay ubaahantahay oo ku saabsan eedeynta loo jeediyay muwaadinkeeda

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here