Maleeshiyaadkii ku Dagaalamayay Deegaanka Xanan-buure ee Gobolka Galgaduud oo kasoo kala Jeeday Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa Si toos ah loo kala qaaday iyadoo Ciidamo ka tirsan Dowladda ay gudaha u galay Xanan-buure oo ah halka uu dagaalku ka socday si ciidanku ay u Sugaan Amniga Deegaankaasi
Maleeshiyaad walaala ah ee dirirtu ku dhexmaratay Deegaanka xanan buure ayaa isku hayay aanooyin qabiil iyo deegaameysi waxaana marar dhowr ah ka dhacayay Deeganka Xananbuure ee gobolka galgaduud dilal la xariirtay anooyin qabiil
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la ka qaaday maleeshiyaadka xanbuure isku hayay, islamarkaasna wax garadka iyo nabadoonadu ay wadaan dadaalo lagu xalinayo dagaalkaan kusoo laablaabtay deegaanka
Mid ka mid ah nabadoonada ku sugan xananbure oo u waramay idaacada wardeeq ee muqdisho ayaa sheegay in hada ay soo gaareen xanan buure ciidamo ka tirsan dowlada si u joojiyaan dagaalka maleeshiyaadka walaalaha ah ee isku horfadhiya xanan buure Xiisaduna ay sii socon
Ma ahan Markii ugu horeysay oo Ciidanka dowlada iyo kuwa galmudug ay soo dhexgalaan Xiisadaan dagaal ee Xananbuure ka taagan taasi oo kasoo laablaabta deegaanka
Iyadoona ciidanka dowlada ay sidaan oo kale udhaxgaleen maleeshiyaadkan ayna kala qaadeen balse ay isku soo laabteen markale xiisadooda daagalna halkoodii hore ku laabatay