Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka mudane Mahdi M. Gulaid oo ku dhawaaqay In kursiga Koowaad ee aqalka sare ee Somaliland lagula Tartami doono Cabdi Xaashi Cabdilaahi, kadib markii liiskii dhawaan soo baxay uu kaligiis utaagnaa tartanka kursigaas mudane Gudoomiye Cabdi Xaashi.
“Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen. Ayuu yirri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka mudane Mahdi M. Gulaid
Waxaana la sheegay in markii hore la waayay cid la tartanta guddoomiyaha Aqalka sare cabdi xaashi balse raiisul wasaare ku xigeenka dalku uu soo helay shaqsi la tartama
si aad ah ayaa loo hadalhayay in cabdi caashi kaligiis kursi loo xiro waxaana taasi ay sababtay in maalmo dib loo dhigo doorasho aqalka sare ee gobolada waqooyi