thumbs b c fbd2944c16da82fefb2ad52a8d901f17 1 - Wardeeq news

Waxaa xalay xilli dambe Magaalada laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool gaaray Xubno Guddi ah oo ka socda Soomaaliland, kuwaas oo baaritaano ku sameeynaya waxa sababay dilalka ka dhaca Magaaladaas.

Guddiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxaa wehliya wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, wasiirka xanaanadda xoolaha iyo Kaluumaysiga Taliyayaasha guud ee Militeriga iyo Booliiska, xildhibaan Casoowe & xubno kele oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Somaliland.

Xubnaha guddigaan ayaa waxaa ay baaritaano ku sameyn doonaan dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada laas-caanood waxyaabaha sababay iyo sababta keentay in aan la qaban dadka dilalka u geysta mas’uuliyiinta ka tirsan Somaliland ee ku sugan Magaalada laas-caanood.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud  Jiidhe ayaa sheegay in Guddigaan uu ka rajeynayo inay  gorfeeyaan wadiyada amniga, horumarka Gobolka iyo sida looga hortegi kara dilalka soo laab laabtay ee Gobolka Sool.

Xubnaha guddiga Somaliland ugu dirtay inay baaritaan ku saneeyaan dilalka ka dhaca Magaalada laas-caanood ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan maamulka Magaalada, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada.

Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland, waxaana dilkii ugu dambeeyay ee dhacay horaantii Bishaan loo geystay Xubin ka tirsaneyd Golaha degaanka Magaaladaaas-caanood.

Verified by MonsterInsights