Madaxweyne Lafta Green Oo Si Kulul Uga Hadlay Dadkii laga Soo Masaafuriyay Sool

0
74

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxa uu Markii ugu horeysay ka hadlay Dadkii Ganacsatada ahaa ee Soomaaliland ay kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood

Waxaana uu sheegay in falkaaas uu yahay mid aad looga xumaado oo ka baxsan bini aadanmada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddi kumeel gaar ah u saaray wax u qabashada dadka laga soo musaafuriyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Mudane Cabcadisiis ayaa shan Wasiir u xilsaaray inay baadi gooban hantida ka maqan dadka laga soo barakiciyay magaaada Laascaanood ee Gobolka Sool, isagoo falkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid baarmarsan Diinta iyo hanaanka Dhaqanka dadnimada Soomaaliyeed, isla markaana meel ka dhac ku ah xaquuqda Aadanaha ee caalamiga ah ee ay ku kacday Somaliland.

Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, waxaana afarta Wasiir ee kale ay kala yihiin Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta Axmed Madoobe Nuunow, Caafimaadka Maxamed Cusmaan Xaaji, Gaadiidka Xasan Xuseen Maxamed iyo Maareynta musiibooyinka Cabdinaasir Cabdi Caruush, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmad iyo dib u dajinta muwaadiniinta laga soo musaafuriyay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Halkaan Hoose Ka Akhriso 

6CDF3FAE EA1A 40CB 8E18 6CFD18D8FE3C - Wardeeq news

 

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here